Macalimiinta Badbaada Traffic School waa kuwo khibrad sare leh oo shahaadooyin u haysta tababarada iyo diyaarinta ardayda. Halkan waxaad ku baran doontaa wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ogaato si aad ugu baasto imtixaanada (Sida imtixaanka tiyoriga iyo imtixaanka gaari wadista) Waxaan ognahay in habka ugu wanaagsan ee lagu baran karo baabuur wadista ay tahay ku celcelinta wadista gaariga khaasatan waxyaabaha kugu adag, sidaa daraadeed waa sababta aan diiradda u saarnay macalimiin fahmi kara baahidaada. Tababarkan ay kuu diyaarisay badbaada Traffic School dhab ahaan wuxuu kaa caawin doonaa inaad horumariso xirfadaha aad u baahan tahay si aad u noqoto darawal badbaado iyo kalsooni leh. Waxaan rabnaa in ardaydeenu dareemaan kalsooni, taasi waa sababta aan u siino casharo xoojinaya sharciga wadista baabuurta. Waxaan ku siinayna taageerid wanaagsan inta lagu jiro habka waxbarashada. Waxaad la kulmi doontaa soo dhaweyn iyo hab waxbarasho oo dhamaystiran
Darawalada waajib bay ku tahay ku dhaqanka shaciga wadomarista. Badbaada Traffic School waxay kaa caawinaysa fahamka iyo ku dhaqanka sharciyada jidadka.
Calaamadaha jidka kaaga muuqda waa fariimo iyo amarro la bixiyey ee raac oo ku dhaqan
Waxaad barata waxyaabaha lagama-maarmaanka ah ee gaariga iyo sida loo isticmaalo sida, Biyaha, shidaalka, taayirada, bateriga gaariga, saacaha nalalka gaariga iyo waxyaabaha la midka ah.
Culayska gaariga waa inaad hubisaa, sidoo kale gaarigu dadku qaado karo ee sharciguna kuu ogol yahay. Liisankaaga gaariga imisa qof baa la ogol yahay inaad rakaab ahaan qaado iyo xamuulka gaariga laguu ogol yahay