Garowe, Somalia
Sabtida - Khamiis 08:00 - 18:00
+252-904-08-40-90
Shahaadoyin

Tiyoriga (Theory) Ardayga ku baasa imtixaanka Casharada Tiyoriga waxaa la siinaya Shahaado muujinaysa inay ku baasay sharciyada iyo xeerarka jidadka isticmaalkooda

Xirfadleyda (Professional drivers) Taxi/Bajaaj, Bas iyo baabuurta waaweyn waa darawalo xirfado khaasa leh, waxay ku shaqeeyaan xaalado adag oo kala duwan. Waxaa loo diyaariyey in shaqooyinka la sii hormariyo iyada oo lagu shaqaynayo hab waafaqsan sharciga guud iyo kan gaarka u ah xirfadan. Markay dhamaystaan waxbarashada waxay helayaan shahaado muujinaysa aqoontooda.

Macalimiinta: Macalimiinta bixiya tabarada darawalnimada waa laf-dhabarta soo saarta darawlo lagu kalsoon yahay, lehna xirfad, farsamoyin iyo amaano. Markay ku baasaan imtixaanka macalinimada waxaa la siinayaa Shahaado macalin darawal School.

Traffic Police:

Koorsada Sarkaalka Taraafikada waxaa loo qaabeeyey si isku habaysan oo loogu talagalay horumarinta sarkaalka taraafikada. Ardaydu waxay heli doonaan fursad ay ku horumariyaan kartooda, iyo aqoonta ay ugu baahan yihiin inay gudaan shaqada tarafikada. Waxay helayaan aqoon dhammaystiran oo ku saabsan Xeerka Waddooyinka dalkeena, Xeerka iyo sharciyo kale oo la xidhiidha wadooyinka iyo Tafikada Guud ahaan. koorsadu waxay diiradda saari doontaa aqoonta si uu u guto waajibaadkiisa taraafikada si xirfad leh. Koorsada markay dhamaato Saraakiisha ku guulaysta imtixaanka waxaa la siindoona shahaado