Badbaada Traffic School waa mid ka mid ah dugsiyada ugu horumarsan ee lagu barto nidaamyada waddo-marista iyo wadista baabuurta. Hadafka loo aas aasay Badbaada Traffic School waa in la soo saaro arday la baray wadista baabuurta iyo hab-raacyada waddo marista, si loo badbaadiyo nafta, deegaanka iyo hantida loona yareeyo waxyeelada shilalka gaadiidka. Waxaan kor u qaadnaa farsamada iyo xirfadaha darawalada, himiladeenu waa in aan wax ku biirino jiilka cusub ee darawallada soo socda, taas oo ah aragti wanaagsan. Wadista gaariga waxaa muhiim ah in la dhiso aqoonta iyo farsamada ardayga, darawalkuna awood u yeeshaa inuu si sax ah u qiimayn karo mar kasta xaaladda wadada, kana-warhayo awoodda gaarigiisa. Ardayda u baahan darawalnimada waxaan barnaa inay muujiyaan habdhaqan wanaagsan, oo dhiirigeliya badbaadada iyo dhaqanka wanaagsan ee isticmaalka wadooyinka, muhiimadu waa in darawalku ammaan iyo raaxo ku dareema wadista gaariga. Khibrada iyo aqoonta saraysa ee macalimiinteena ayaa sidoo kale kaalmaynaysa waxbaristeena oo ah arrimaha dammaanad qaadaya guusha ardayga. Wadista saxda ah waa hadafkayaga bilowga ah, darawal badbaado leh macnaheedu maaha darawalka gaabiska ah ama mid degdegsan ee waa mid aqoon leh, awoodna u leh inuu wax ka qabto daqiiqad kasta xaaladaha jira. Wadista gaarigu waa hannaan adag oo u baahan in loo maro habraac wanaagsan, oo ku saabsan macluumaadka iyo warbixinada/calaamadaha jidka laguugu tilmaamay, sidaas darted waxaan samaynay koorsooyinka lagu barto sharciyada iyo xeerarka waddo-marista. Darawalka cusub ee raba inuu si nabad ah u kaxayo gaariga ha tixgeliyo dadka iyo gaadiidka kale, waana inuu dhiirigeliya wadashaqaynta kala dhexaysa kuwa kale ee jidka la isticmaalaya.
Darawalka xariifka ahi waa inuu u diyaar garoobo khataraha badan ee wadooyinka, islamarkaana qaato goaamada saxda ah waqtiga ku haboon. Waxaan bixinaa Koorsooyin kor loogu qaadayo farsamada iyo xirfadaha darawalada, koorsadu waxay kusiindoontaa aragtida saxda ah ee darawalnimada, waxay kaloo lagu bari doonaa dhammaan waxyaabaha khuseeya sida saxda ah ee marxaladaha kala duwan gaariga u wadi doontid.