Tababarka dhalinyada: Dhalinyarada ka yar 20 sano waxaa loo diyaariyey tababaro isugu jira casharo iyo wadista gaariga, waxaa la baraya khatarta iyo masuuliyada qadista gaariga, habkani waa mid khasab ka dhigaya dhalinyarada intaan gaariga la barin in la siiyo koorso gaar ah oo lagu fahamsiinayo darawalnimo iyo gaari wadis maxaa ka imaan kara, isdiiwaangeli si aad uga mid noqoto ardaydeena.
Tababarka Casharada: Badbaada Traffic School wuxuu kuu diyaaryey casharada barashada xeerarka iyo sharciyada wadomarista ee loo yaqaan tiyoriga (Theory) iska diiwaangeli dugsiga kuu dhaw.
Tababarka Traffic Police: Markaan aragnay baahida loo qabo tabaridda Tarafikada inay muhiim tahay in kor loo qaado aqoontooda iyo xirfadooda shaqo waxaan samaynay koorsooyin lagu barto Tarafikada, iskadiiwaangeli Badbaada Traffic School
Tababarka Macalimiinta: Macalimiinta darawalnimada bara waa kuwa soo saaraya darawalada aynu u baahan nahay hadda iyo mustaqbalka, sidaa darteed waxaa khasab noqotay in aan helno hab kor loogu qaada aqoonta iyo qaabka waxbarasho ee macalimiinta, hadaad u baahan tahay macalinimo-darawlnimo gaadiidka halkan iskadiiwaangeli
Tababarka gargaarka degdega ah: Dhamaan ardayda wax ka barata dugsiyada Badbaada Traffic School waxaa la siinaya tababaro ku saabsan gargaarka degdega ah, taas waxaa loola jeeda meesha shil ka dhacay waxaa caawin kara gaariga ugu soo horeeyey, sidaa darteed waa muhiim in darawalkasta bixiyo caawimaada dadka dhaawaca ahi u baahan yihiin
Tababarka darawalada xirfadleyda ah : Darawaliinta Baabuurta adeega dadweynaha, Baabuurta waayeyn, Basaska iyo Booyadaha waxaa loo diyaariyey koorsooyin khuseeya shaqada ay bulshada u hayaan, taas oo ay ku jirto in darwalku si wanaagsan u fahamsan yahay masuuliyada ka saaran hantida iyo bulshada uu u adeegayo, waa koorsooyin kala duwan, halkan iskadiiwaangeli